top of page

Wax ka Baro COVID-19

Waa maxay Koroonafayrus?

 

Koroonafayrus waxa waxa la isku yidhaahdaa bah fayrusyo ah oo dadka iyo xayawaankaba  xanuun ku keeni kara. Dhawr nooc oo koroonafayrus ah ayaa illaa hadda la yaqaanaa inay dadka ku keenaan caabuq dhinac neefmareenka ah kaas oo sababa duriga caadiga ah mararka qaarna keena xanuunka MERS iyo SARS. Nooca ugu danbeeyay ee koroonafayruska ee hadda la ogaaday ayaa keena cudurka la yidhaahdo COVID-19 ka.

 

Waa maxay COVID-19?

 

COVID-19 waa cudur caabuq keena oo keeno koroonafayrus cusub oo hadda la ogaaday. Fayrus kan cusub iyo cudurku dhaliyaba hore looma aqoon, illaa iyo intii bishii December 2019 uu ka dilaacay magaaladda Wuuhaan, ee dalka Shiinaha.

 

Waa maxay astaamaha uu leeyahay COVID-19 ku?

 

Calaamadaha badiyaa uu leeyahay COVID-19 ku waa xumad, daal, iyo qufac qalalan. Bukaanadda qaar waxay yeelan karaan jidh xanuun iyo garaac, cabudh, sanka oo duuf ka yimaado, xunaha oo xanuuna iyo shuban. Dhamaan calaamadahani waa kuwo qofka dhibaato badan ku keenayn isa soo tarana. Dadka qaar xanuunku wuu ku dhici karaa iyagoo wax calaamado ah yeelan, mana dareemaan, haba yaraatee, wax xanuun ah. Dadku intiisa badan (80%) waxay ka bogsadaan iyadoo wax daaweyn ah loo samayn. Ku dhawaad 6 dii qofba 1 qof ayaa xanuunku ku xumaadaa, oo aad u bukooda isla markaana neetsigu ku adkaadaa. Dadka waaweyn iyo dadka xanuunaddu u weheliyaan sida, macaanka, dhiig-karka, wadne-xanuunka, iyay u badan tahay inuu xanuunku ku xumaado. Dadka yeesha xumadda, qufaca ee neefsigu ku adkaado waxay ay tahay inay gargaar caafimaad raadiyaan.

 

Sidee ayuu ku fidaa xanuunka COVID-19 ku?

 

Dadku waxay ka qaadi karaan COVID-19 dadka kale ee fayruska qaba. Cudurku wuxuu qofba qofka kale ugu gudbin karaa cantafka yaryar ee ka soo baxay sanka ama afka oo ku fidi kara marka qof qaba COVID-19 uu qufaco ama uu soo neefsado. Ka dib, cantafkaasi wuxuu ku dhacaa agabka iyo meelaha u dhaw qofka. Ka dibna, dadka kale ayaa marka ay taabtaan meeshii ama walaxdii, oo ay haddana taabtaan indhahooda, sankooda ama afkooda. Dadku waxay sidoo kale qaadi karaan COVID-19 markay neef ahaan sanka uga qaataan cantafka qof qaba COVID-19 ka marka uu qufaco ama uu soo neefsado. Taasi waa sababta loo leeyahay hal mitir (3 fuudh) u jirsada qofka xanuunsanaya.

 

Fayruska keena COVID-19 hawadda miyuu ku gudbi karaa?

​

Cilmibaadhisaha ugu danbeeyay waxay sheegayaan in fayruskan COVID-19 uu sida ugu weyn ee u gudbaa ay tahay in cantafka neefmareenku qofka ka soo gaadha isagoo hawadda soo raacaya.

​

COVID-19 miyaa laga qaadi karaa qof aan lahayn wax calaamado ah?

​

Habka ugu badan ee cudurku ku fidaa waa cantafka neefmareenka ee ka soo baxa qof qufacaya. Aad bay u hoosaysaa khatarta aad ugu jirto inaad ka qaado COVID-19 qof aan lahayn wax calaamado ah. Dad badan oo qaba cudurka COVID-19 waxay dareemaan calaamado khafiifa. Tani waxay inta badan dhacdaa inta marxaladaha hore uu xanuunku ku jirto. Sidaa darteed, waa suurtagal inaad ka qaad cudurka COVID-19 qof, tusaale, ahaa, calaamado khafiifa oo aan dareemayn xanuun. WHO waxay qiimanaysaa cilmibaadhisaha socda, gaar ahaa, wakhtiga uu cudurku COVID-19 ku gudbo, waxaanay wadaysaa inay idinla wadaagto wixii ka soo kordha.

​

Cudurka miyaa laga qaadi karaa saxaradda qof qaba COVID-19?

​

Khatarta loogu jirto qofku inuu COVID-19 ka qaado saxarada qof kale oo qaba cudurku aad bay hoosaysaa. Inkastoo ay hore u jireen baadhitaano sheegayay in fayrusku laga yaabo inuu ku jiro saxarada xaaladaha qaarkood, haddana inuu qaabkan ku gudbo maaha fiditaanka cudurkan. WHO waxay qiimanaysaa cilmibaadhisaha socda, gaar ahaa, wakhtiga uu cudurku COVID-19 ku gudbo, waxaanay wadaysaa inay idinla wadaagto wixii ka soo kordha. Madaama oo ay khatar ku jirto, waa sabab kale oo kugu qasbaysa inaad had iyo jeer gacmahaaga maydho, marka aad suuliga gasho inta aanad cuntadda cunin.

​

Taloobiyenkee ayaad qaadi karaa si aan uga hortago cudurka?

​

Had iyo jeer la soco xogaha ugu danbeeyay ee cudurka COVID-19, ee laga heli karo website haayadda WHO iyo sidoo kale ay gudbinayaan bahda caafimaadka dalkaagu. Wadano badan oo adduunka ah ayaa xalaado lagu arkay COVID-19, wadano badan oo kalena waa uu ka dilaacay. Dawladda Shiinaha iyo dhawr wadan oo kale waxay ku guulaysteen inay yareeyaan xawliga fiditaanka ama joojiyaanba. Siday doonto ha ahaatee, xaalada lama saadaalin karo had iyo jeer la soco wararka ugu danbeeyay.

Waad yarayn kartaa jaaniska ah inuu cudurkani kugu dhaco ama aad fidisaba COVID-19 adiga oo raacayala talaabooyinka fudud ee hoos ku qoran

  • Had iyo jeer gacmahaaga ku maydh biyo iyo saabuun, ama ku masax gacan nadiidiye ka samaysan alkool.

Sababtu maxay tahay markaa? Inaad gacmahaaga biyo iyo saabuun ku maydhaa ama ku masaxdaa alkool waxay dilaysaa fayruska lagu yaabo inuu gacmahaaga wataan. Haddaad ugu dhawdahay qof hindhisaya ama qufacaya oo laga yaabo inuu qabo COVID-19, waad neefsan kartaa cantafka ka soo baxaya qofkaas.

  • U jirso masaafo dhan illaa hal mitir (3 fuudh) qof ka hindhisaya ama qufacaya.

  • Iska ilaali inaad taabato indhahaaga, sankaaga ama afkaaga.

​

Sababtu maxay tahay markaa? Gacmahu waxay taaban karaan meel badan waxaana soo raaci kara fayruska. Marka gamcahu uu soo raaco, gacmahaagu waxay u gudbin karaan fayruska indhahaaga, sankaaga, iyo afkaaga. Halkaas ayuu xanuunku jidhkaaga ka gali karaa ka dibna aad u bukoonta kartaa.

  • Hubi adiga iyo inta dadka kugu xeeran inay qaataan fayo-dhawrka haboon. Taasi oo macnaheedu tahay inaad afkaaga iyo sankaaga aad ku daboosho xusulkaaga oo laaban ama masar ama softi marka aad qufucayso ama hindhisayso. Ka dibna masarka ama softiga aad isticmaashay qashin-qubka ku rid isla markiiba.

​

Sababtu maxay tahay markaa? Cantafku wuxuu fidiyaa fayruska. Marka aad raacdo fayo-dhawrka wanaagsan waxay taasi ka ilaalinaysaa dadka kugu xeeran inuu ku dhaco xanuunka COVID-19.

  • Hadaad dareemayso xanuun gurigaaga jog. Haddaad leedahay xumad, qufac ama neefta oo kugu adkaata, raadi gargaar caafimaad, isla markaana garaac numberka 988. Had iyo jeer la soco timaamaha iyo hagaha cudurka COVID-19 ee ka soo baxaya Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland. Iskaa ha u tagin goob caafimaad, had iyo jeer sii wac si laguugu hago sida ugu haboon ee iyo goobta aad tagi karto. Waayo markasta waxa laga hortagayaa in adiga lagu ilaaliyo isla markaana laga hortago fiditaanka fayruska.

  • La soco goobaha iyo magaalooyinka uu cudurku ka dilaacay. Hadday kuu suurtagal tahay inka ilaali inaad safarto, gaar ahaan haddaan tahay qof weyn ama leh xanuunadda macaanka, wadnaha iyo kuwa ku dhaca sanbabadda.

​

Waayo sababtu maxay tahay? Waxa aad halis weyn ugu jirtaa inuu kugu dhaco COVID-19.

 

 

Talaabooyin noocee ah ayuu u baahan yahay qof ka yimid dalka dibaddiisa (14 cisho ee ugu danbeeyay)?

​

  • Qof kasta oo dalka dibadiisa safar kaga yimid waxa haboon inii iskii isku karantiimeeyo. Waxa haboon haddaad dareemayso madax xanuun, sanka oo duuf kaa yimaado, ama xumad, inaanad guriga iyo goobta lagugu karantiimeeyay inaanad ka bixin. Waxa muhim ah inay jirto cid kuu adeegta oo ku keenta cuntadda iyo wax kasta oo dibadda aad uga baahan tahay. Hadday qasab kugu noqoto ama aanad haysan cid kale, fadlan xidho af-saar (mask) si aad uga hortagto inaad cudurka cid qaadsiiso marka aad cunto iyo wixii daruuriya aad dibada uga baxayso.

  • Hadaad yeelato xumad, qufac ama neefta oo kugu adkaata, gargaar caafimaad hore u dalbo. Garaac numberka 988, una sheeg inaad dhawaan safar ka timid.

Xogtan waxa laga soo qaatay oo laga turjumay https://www.who.int/news-room/q-a-detail/q-a-coronaviruses

bottom of page